image 1
image 2

The opening ceremony of Somaliland Lawyers Days

Welcome to the official website of the Somaliland Lawyers Association (SOLLA)

On behalf of the governing council, the Bar staff and the entire membership of the Association, I extend a warm welcome to you.

Welcome to the official website of the Somaliland Bar Association. We are dedicated to promoting justice, upholding the rule of law, and supporting the legal profession in Somaliland. This platform serves as a resource for our members and the public, providing access to important legal information, updates, and services. We invite you to explore the site and engage with our community as we work together to strengthen the legal system and protect the rights of all citizens.

the president of Somaliland Bar Association

Adv. Hassan Ali Hassan

MAGAACABIS AGAASIMAHA WAAXDA ARRIMAHA DEBADA IYO SHURUUCDA CAALAMIGA EE URURKA QAREENADA JSL Garyaqan Jamaal Mohamed Mahamud

Guddoomiyaha Ururka Qareennada Somaliland wuxuu maanta wareegto MAGAACABIS ku soo saarey AGAASIMAHA WAAXDA ARRIMAHA DEBADA IYO SHURUUCDA CAALAMIGA EE URURKA QAREENADA JSL oo uu u magacaabay Garyaqan Jamaal Mohamed Mahamud, Gudoomiyaha Ururka Qareenadda JSL:Markuu arkay: baahida loo qabo in Ururka Qareenadda Somaliland qaato doorkiisa uu ku leeyahay xoojinta xidhiidhka iyo shuruucda caalamiga ah ee la xidhiidha Citiraafka Somaliland. Sidoo kale markuu arkay in hawshaasi u baahantahay cid aqoon iyo waayo aragnimo u leh oo ka hawlgasha dhaqdhaqaaqyada ictiraaf raadinta Somaliland kuna shaqaynaysa Sharciga Caalamiga ah iyo Diplomaasiyadda.Sidaa darteed, waxa maanta oo taariikhdu tahay: 30/05/2026 ururku u magacaabay garyaqaan Jamaal Maxamed Maxamuud inuu noqdo Madaxa Arimaha Dibedda, Shuruucda iyo Xidhiidhka Caalamiga ku metalla Ururka. Isagoo garyaqaankani aqoon iyo waayo aragnimo buuxda u leeyahay Diplomaasiyadda, Xidhiidhka iyo Shuruucda Caalamiga ah.Ugu danbeyn, waxa uu gudoomiyuhu u rajaynayaa garyaqaan Jamaal inuu noqdo kii si aqoon iyo xirfad ku dheehan hawshaasi u guta isagoo metalaya Ururka Qareenadda Somaliland.

Gudoomiye Ku Xigeenka Qareenada JSL.Gar. Caydaruus Cali C/laahi Ayaa maanta kaga hadlay xafiiskiisa xadhiga wariye Cumar Hayna

Hambalyo Hambalyo dhammaan Muslimiinta caalamka, gaar ahaan shacabka Somaliland iyo xubnaha Ururka Qareennada Somaliland ee SOLLA meel kasta oo ay joogaan.

Gudoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland ee SOLLA

Garyaqaan Xasan Cali Xasan

Tababarka oo ay wado Ururka Qareennada Somaliland (SOLLA) ayaa lagu falanqeeyey hababka casriga ah ee adeegyada sharci loogu gaadhsiin karo dadka danyarta ah,

Ururka Qareennada Somaliland Ee (SOLLA) ayaa Maalintii labaad ee tababarka lagu horu-marinayo adeegyada kaalmada sharciga oo ka socday Hotel EMPIRIAL Hargeysa si rasmiya u gabagabeeyay maanta.Tabarkaas oo diiradda lagu saarayay horumarinta xirfadaha qareennada, kaaliyeyaasha sharciga iyo dhiirrigeliyeyaasha caddaaladda si loo xoojiyo adeegyada Legal Aid-ka ee bulshada loo fidiyo.Tababarka oo ay wado Ururka Qareennada Somaliland (SOLLA) ayaa lagu falanqeeyey hababka casriga ah ee adeegyada sharci loogu gaadhsiin karo dadka danyarta ah, iyadoo la adkaynayo wada shaqaynta hay’adaha caddaaladda iyo kor u qaadista aqoonta ka qaybgalayaasha. Hadabd, waxaa maanta lagu oo gaba-gabeeyey kulankaasi Waxaana xidhitaanka kulankaasi ka qayb galay xubno hoggaanka ururka Qareenada Jamhuuriyadda Somaliland ka tirsan iyo prof. Siciid oo ahaa macalinkii bixinayey tababarka iyo xubno maamulka ururka Qareenada ee SOLLA kamid iyo xubnihii tababar qaadanayeyUgu danbeyntii waxaa soo xidhay kulankaasi garyaqaan Yuusuf libaan Cumar Isagoo marka hore u mahadceliyey, cid kasta oo ka soo qayb qaataday diyaarinta qorshaha tobabrkan sida hogaanka iyo maamulka ururka Qareennada JSL ee SOLLA, Hay’adaha UNDP iyo EU wuxuu kale oo u mahad naqay macalinkii tababarka bixinayey Wuxuu kale oo uu xusey ahmiyada uu lahaa tababarkan xubnaha qaatay iyo muhuumadda uu qaranka Somaliland u leeyahay. Iyo baahida loo qabo in tobabradda noocan ahi u leeyihiin xirfadlayaasha sharci iyo adeegayasha kaalimada sharci. Isagoo ku soo xidhay ahmiyadda fulinta waajibaadka dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland uu ay kamid tahay bixinta adeega kaalimada sharci ee la siinayo dadka aan awoodin in ay iska bixiyaan xushmadda qareenka

Tababar lagu kobcinayo adeegyada kaalmada sharciga ayaa magaalada Hargeysa loogu qabtay qareennada kaalmada sharciga, kaaliyeyaasha sharciga iyo dhiirrigeliyeyaasha caddaaladda.

💬
☎ Call 3113 💬 WhatsApp ⚖ Legal Aid
Scroll to Top