Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in xilligan ay dalka imanayaan dad badan iyo maalgashadayaal caalami ah, kuwaas oo si gaar ah u qiimaynaya hufnaanta garsoorka iyo heerka caddaaladda dalka.

Madaxweynuhu wuxuu xusay in haddii maalgashadayaashu ku qancaan nidaamka garsoorka iyo caddaaladda Somaliland, ay taasi horseedi doonto maalgashi ballaadhan. Waxa uu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo hay'adaha garsoorka iyo tayada caddaaladda si loo kasbado kalsoonida beesha caalamka loona soo jiito maalgashi wax ku ool ah."