Guddoomiyaha Ururka Qareennada Gobolka Sanaag Oo Ka Hadlay Xiisaddii Ka Dhalatay Buuraleyda Wadaagsin iyo Xaysimo
Guddoomiyaha Ururka Qareennada ee Gobolka Sanaag, Garyaqaan Cali Siciid Jaamac, ayaa hadal nabadeed iyo wacyigelin leh ka jeediyey colaaddii ka bilaabantay deegaanka buuraleyda ah ee Wadaagsin iyo Xaysimo.
Hadalka Garyaqaanka ayaa kusoo beegmay xilli ay jireen dhaqdhaqaaqyo hub urursi ah oo ilaa magaalada Burco laga dareemayey, kadib markii ay soo baxeen hadallo buunbuunin iyo fidno abuur ah oo ay dadka qaar bulshada ku dhex faafiyeen.
Garyaqaan Cali Siciid Jaamac ayaa warbaahinta u mariyey farriin isugu jirtay waano, hogo-tusaalayn iyo baaq nabadeed, taas oo dejisay dareenkii kacsanaa ee bulshada iyo dad badan oo ku mashquulsanaa hub urursiga, kadib markii ay fahmeen in hadalladii la faafinayey aanay ka tarjumin xaqiiqada dhabta ah ee jirta.
Garyaqaanku wuxuu si qoto dheer uga warbixiyey sida bulshada ku dhaqan buuraleyda dahabka laga qodo ay isugu dhex nool yihiin, isaga oo caddeeyey in aanay jirin colaad guud oo deegaanka ka jirta, marka laga reebo khilaafka u dhexeeya labada jifo ee degan Xaysimo iyo Wadaagsin.
Sidoo kale, hadalladiisa oo ay ka muuqatay dejin iyo masuuliyad bulsho ayaa si toos ah ugu wajahnaa qaar kamid ah gobollada iyo bulshada dibadda ka hadlaysay arrinta, isaga oo ugu baaqay inay nabadda ka shaqeeyaan halkii ay xaaladda sii hurin lahaayeen. Wuxuuna yidhi: “Kaalaya nala islaaxiya intaydaan qalad nagu xukumin.”
Waxaa kale oo uu bulshada ku boorriyey inaan la kala fogayn dadka wada ganacsanaya, wada shaqaynaya, isla markaana ku wada nool deegaanka dahabka laga qodo, isagoo sheegay in bulshadaasi ay leedahay isku tiirsanaan nololeed iyo dhaqaale.
Qodobada ugu muhiimsanaa ee hogo-tusaalayntiisa waxaa kamid ahaa in dadka ku dhaqan buuraleyda ay u badan yihiin dhalinyaro hubaysan, taas oo keeni karta falal degdeg ah ama dambiyo dhaca. Hase yeeshee, wuxuu carrabka ku adkeeyey in arrimaha noocaas ah aan loo eegin si qabiilaysan, balse loo baahan yahay qorshe bulsho iyo mid amni oo lagu maareeyo.
Dadaalka iyo doorka uu qaatay Garyaqaan Cali Siciid Jaamac ayaa sidoo kale ka tarjumaya mid kamid ah ujeedooyinka aas-aasiga ah ee loo dhisay Ururka Qareennada iyo guud ahaan bahda qareennada dalka, kuwaas oo ay waajib ka saaran tahay ilaalinta nabadda, kor u qaadista wada noolaanshaha bulshada, difaaca caddaaladda, iyo ka shaqaynta xalinta khilaafaadka si waafaqsan sharciga iyo wada hadalka.
Ururka Qareennadu ma aha oo keliya hay’ad u taagan arrimaha sharciyada iyo difaaca dacwadaha, balse wuxuu door muhiim ah ku leeyahay hagidda bulshada, ka hortagga fidnada, dhiirrigelinta nabadaynta, iyo ilaalinta xasilloonida dalka. Sidaas darteed, hadalka iyo dedaalka uu sameeyey Garyaqaan Cali Siciid Jaamac wuxuu tusaale u yahay masuuliyadda qaran ee saaran bahda qareennada Somaliland.
Ugu dambayn, hadalka Garyaqaan Cali Siciid Jaamac oo sidoo kale xambaarsanaa talooyin wax-ku-ool ah oo uu u jeediyey dhinaca dowladda iyo fariimo uu si toos ah ugu diray dhinacyada isku haya colaadda, ayaa si weyn uga qayb qaatay dejinta xiisaddii taagnayd, isaga oo bulshada u horseeday jihada suluxa, wada hadalka iyo nabadaynta.



Good and well