Tix (Ref No):
Ref.XXG/01/09/2026
Taariikh (Date):
03/09/2026
XAFIISKA XOGHAYAHA GUUD
announcement
Ku (Addressed To / Recipient):
Warsaxaafadeed
Og (Copied To / CC):
- Gudomiye Kuxigeenka Ururka Qareenada JSL
- Gudoomiyaha Ururka Qareenada JSL
- Gudida Hogaaminta Ururka Qareenada JSL
- Xubnaha Ururka Qareenada JSL
Ujeeddo (Subject):
WARSAXAAFADEED HAMBALYO MAGACAABISTA XEERILAALIYAHA GUUD QARANKA IYO GARYAQANKA GUUD
Ururka Qareennada Somaliland (SOLLA) waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Magacaabista Madaxweynaha Jsl maanta u magacaabay XEERILAALIYAHA GUUD QARANKA IYO GARYAQANKA GUUD ee uu umagacabay Labada Garyaqaan ee katirsana Ururka Qareenada Jsl (Solla) xilalka qaran ee kala ah .
1. Garyaqaanka Guud ee Qaranka,oo loo magacabay Prof: Maxamuud Xuseen Faarax.
2. Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka,oo loo magacabay Garyaqaan Mudane Mawliid Cabdi Muuse,
Ururka Qareennadu waxa uu aaminsan yahay in labada masuul ay yihiin shakhsiyaad aqoon, khibrad, karti iyo hufnaan u leh gudashada masuuliyadaha qaran ee loo igmaday, isla markaana ay mudan yihiin kalsoonida loo muujiyey.
Waxaan si gaar ah u bogaadinaynaa doorka ay labada masuul ku leeyihiin horumarinta cadaaladda, sharciga, ilaalinta ku-dhaqanka sharciga iyo xoojinta hay’adaha caddaaladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaan Alle SWT uga baryaynaa in uu u fududeeyo masuuliyadda qaran ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u igmaday, kuna asturo xilkaas culus, isla markaana uu ka dhigo masuuliyad ay ugu adeegaan qaranka, sharciga iyo cadaaladda si daacadnimo iyo hufnaan leh.
Ururka Qareennada Somaliland (SOLLA) waxa uu mar walba diyaar u yahay in uu si sharci iyo xirfadeed ah ula shaqeeyo hay’adaha caddaaladda iyo garsoorka, iyadoo la dhowrayo madax-bannaanida mihnadda qareennimada, sarreynta sharciga iyo helitaanka caddaalad loo siman yahay.
Ugu dambayn, waxaan labada masuul u rajaynaynaa guul, caafimaad, xilkasnimo iyo in ay si wanaagsan uga soo baxaan masuuliyadda qaran ee loo igmaday.
Alle ha idiin fududeeyo xilka, hana idinku garab galo gudashada waajibaadkiinna qaran.)
Hargeysa, Somaliland

Allaa Mahad Leh
Garyaqan Siciid Cabilaahi Xuseen(Geeljire).
SOLLA General Secretary
Ururka Qareenada Somaliland (SOLLA)
URURKA QAREENADA
SOLLA
★ CERTIFIED ★
SOMALILAND
SOLLA Official Gazette
Doc Ref: news_art_1179
Page 1 of 1