SOLLA Logo
SOLLA Somaliland Lawyers Assoc.
Home About Advocates Legal Aid Resources Laws Research Events News Contact
Admin Portal
Home About Advocate Directory Legal Aid Resources Archive Laws Research Events Calendar News & Bulletins Contact Details Admin Portal
SOLLA / Announcements / Ref: XUQ/XG/77/2026
All Bulletins
Official Letterhead
Tix (Ref No): XUQ/XG/77/2026
Taariikh (Date): 31/05/2026
XAFIISKA GUDOOMIYAHA

Magacaabis

Ku (Addressed To / Recipient):

Garyaqan Jamaal Mohamed Mahamud

Og (Copied To / CC):
  • Gudomiye Kuxigeenka Ururka Qareenada JSL
  • Xoghayaha Guud ee Ururka Qareenada JSL
  • Gudida Hogaaminta Ururka Qareenada JSL
  • Xubnaha Ururka Qareenada JSL
Ujeeddo (Subject):

MAGAABIS AGAASIMAHA WAAXDA ARRIMAHA DIBADDA IYO SHURUUCDA CAALAMIGA EE URURKA QAREENADA SOMALILAND

Markuu arkay: baahida loo qabo in Ururka Qareenadda Somaliland qaato doorkiisa uu ku leeyahay xoojinta xidhiidhka iyo shuruucda caalamiga ah ee la xidhiidha Citiraafka Somaliland. Sidoo kale markuu arkay in hawshaasi u baahantahay cid aqoon iyo waayo aragnimo u leh oo ka hawlgasha dhaqdhaqaaqyada ictiraaf raadinta Somaliland kuna shaqaynaysa Sharciga Caalamiga ah iyo Diplomaasiyadda.

Sidaa darteed, waxa maanta oo taariikhdu tahay: 30/05/2026 ururku u magacaabay garyaqaan Jamaal Maxamed Maxamuud inuu noqdo Madaxa Arimaha Dibedda, Shuruucda iyo Xidhiidhka Caalamiga ku metalla Ururka. Isagoo garyaqaankani aqoon iyo waayo aragnimo buuxda u leeyahay Diplomaasiyadda, Xidhiidhka iyo Shuruucda Caalamiga ah.

Ugu danbeyn, waxa uu gudoomiyuhu u rajaynayaa garyaqaan Jamaal inuu noqdo kii si aqoon iyo xirfad ku dheehan hawshaasi u guta isagoo metalaya Ururka Qareenadda Somaliland.

Waajibaadka masuulkani qaban doono :-

La- talinta Ururka iyo Dawladdaba ee arrimaha sharciyada debadda iyo siyaasadaha caalamiga ah;

Isku- duwidda iskaashiyada iyo wada- shaqeynta sharciyeed ee caalamiga ah;

Hoggaaminta cilmi- baadhista sharciyeed ee ku saabsan sharciga caalamiga ah iyo u- doodista aqoonsiga Somaliland;

Matalaadda Ururka ee goleyaasha sharciyeed ee heer gobol iyo heer caalami;

Talo bixinta sharci ee wadahadalada ku saabsan diblomaasiyadda,

Xoojinta Xidhiidhka Haayadaha Caalamiga iyo xafiisyada Somaliland ee ka shaqeeya siyaasada arrrimaha debbada iyo shuruucda caalamiga ah
Allaa Mahad Leh
Garyaqan Xasan Cali Xasan (Banfas) SOLLA Chairman Ururka Qareenada Somaliland (SOLLA)
URURKA QAREENADA SOLLA ★ CERTIFIED ★ SOMALILAND
SOLLA Official Gazette Doc Ref: news_art_8334 Page 1 of 1
✓ Clipboard copy success! ← Return to Bulletins
S
SOLLA Somaliland

Founded to support practitioners, promote continuing judicial education, and safeguard constitutional rule of law. We are committed to extending pro-bono humanitarian representation to marginalized entities.

ESTD. 1999 | Somaliland Lawyers Association

Archive Access

  • Home Overview
  • Advocate Directory
  • Standardised Templates
  • Upcoming Calendars

Clinic Coordination

To request mobile representation or report professional license misconduct, write to the Secretariat Desk directly.

Case Intake Desk

© 2026 Somaliland Lawyers Association (SOLLA). Registered Advocate Guild under High Court compliance. All Rights Reserved.

Hargeisa HQ • Burao • Borama • Berbera