Xoghayaha Guud Ururka Qareenada Jsl Solla .
Sidaynu lawada socono waxa maanta ISNIIN 29/06/2026 soo
gabogabooday oo soo xidhmay shirweynihii Garsoorka.
Shirweynahan Garsoorka oo Qareenada dalku qayb ka ahaayeen
xubnaha shir weynaha ka qayb galayay, Door muuqdana ka qaatay
Labadii cisho ee uu socday shir weynahani .
Xoghayaha Guud Ururka Qareenada Jsl Solla Waxan halkan ka
bogadinayaa una mahadnaqayaa xubnihii Qareenada ee ka qayb
galay shirweynaha Garsoorka ee doorka muuqda ka qaatay shirkan.1. Xubintii Guddida Qaban qaabada Shirweynaha Garsoorka
Ururka Qareenada jsl SOLLA ku metelayay Sakariye Sulub
Saleeban.
2. Guddidii Hogaanka ururku Uxil saaray una magacaabay soo
ururinta caqabadaha Qareenada iyo Garsoorka ee sagaalka
xubnood ahaa ee isku soo duba riday kana soo jeediyey
Shirweynaha maanta ,oo Ururka metelayay , Guddidaas oo ay
hogaaminayeen Ex.Gudomiye ururka Maxamed Maxamuud
Xaashi tImo,Ex Gud kuxigeen Ururka Garyaqaan Mukhtaar JIbriL
iyo Garyaqaan Maxamuud Saleeban ,Garyaqaan Hibaaq iyo xubnaha kale ee guddidaas ka mid ahaa oo si mug leh iyo
masuliyadi ku jirto usoo diyaariyey,una Gudbiyey qoraal ahaan
guddida qabanqaabada shir weynaha sidoo kalena si kooban
uga jeediyey shirka qodobadii Qareenadu shirka kaga qayb
qaadanayeen .
3. Qareenada xubnaha ururka ka tirsan Qareenada waayo araga ah
ee ruug cadaaga ah odeyaasha Ururka ah ,ee aan ka xusi karo
Garyaqan Maxamed Jamac Cabdi , Garyaqan Maxamed Siciid
Xirsi Garyaqan,Maxamed Axmed Abokor , Garyaqan Xuseen
Maxamuud Fadal,Ex.Xog Guud Ururka,Xubnaha boodhka Ururka
.
4. Xubnaha ururka ka tirsan ee kale ee rag iyo dumarba lahaa oo
iyaguna dhamaantood door muuqda ka qaaatay shir weynahan
Garsoorka .
5. Xubnihii ka mid ahaa ee xubnaha boodhka Ururka ka tirsanaa
ee iyaguna ka qayb galay shirka, ee aan ka xusayo, aamina
xasan,farduus Maxamed,Hibo Daahir ,maxamed Cali careef,
tawakal ibrahin,C/Qani ismaacil ,yuusuf Liiban iyo maxamed Af
yare
6. Waxa kale oo aan si gaara u bogadinaya uguna mahadnaqayaa
Garyaqaan Nasriin C/Shakuur
7. Qareenada Gobolada kasocday oo ay hogaaminayeen
Gudomiyeyaasha Gobolada ee Ururka Qareenada Jsl Solla .
8. Waxa kale oo aan bogaadinaya xusayana doorka qiimaha iyo
saamaynta lahaa ee sadexda Qareen ee kala ah Garyaqaan
mukhtaar Jibril, Garyaqaan Tawakal iyo Garyaqaan Xuseen sulub
oo soojeedimihii Doodihii maanta ee xubnaha shir weynaha
kasoo qayb galay loo qaybiyey AFAR GROUP SOOJEEDINTA
GROUP YADAAS AFAR XUBNOOD USOO JEEDINAYEEN, nasiib
wanaag Sadex kamid ahi ahaayeen QAREENO Sadexdaas Qareen oo si qurux badan oo aqooni iyo ku dhac leh usoo
jeediyey qodobadii loo xilsaaray iyagoo group yadooda
metelaya .
Waxan mar labaad idiinka mahad naqaynaa kasoo qayb galka iyo
ka qayb qaadashada shirweynahan ee doorka muuqda ka
ciyaarteen ee magaca qareenada iyo ururka kaga qayb qaadateen.
Xoghayaha Guud Ururka Qareenada Jsl Solla .Siciid Cabilaahi Xuseen(Geeljire).