WAR-SAXAAFADEED

Taariikhda: 23 May 2026

Ururka Qareenada Jamhuriyadda Somaliland (SOLLA) Waxa uu bulshada Jamhuuriyadda Somaliland iyo masuuliyiinta Hay’adaha Qarankaba xusuusinayaa in ilaalinta Dastuurka, sarreynta sharciga iyo dhawrista xuquuqaha aasaasiga ah ee muwaadiniintu ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee ay ku dhisan tahay dawladnimada iyo nidaamka dimuqraadiyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland.Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan qodobka 32aad, waxa uu si cad u dammaanad qaaday xorriyadda hadalka, xorriyadda fikirka iyo xaqa muwaadinku u leeyahay inuu si nabad ah ugu cabbiro aragtidiisa ku saabsan arrimaha siyaasadda, bulshada iyo masiirka qaranka. Xuquuqahaasi waa xuquuq dastuuri ah oo aan laga leexan karin marka laga reebo xaaladaha uu sharcigu sida gaar ah u qeexay.Ururka Qareenada Somaliland (SOLLA) waxa uu aaminsan yahay in kala duwanaanshaha aragtiyaha iyo doodaha ku saabsan arrimaha qaranku ay yihiin astaamo muujinaya bisayl siyaasadeed, jiritaanka nidaam dimuqraadi ah, iyo bulsho ku dhaqanta mabda’a wada-tashiga iyo is-qaddarinta fikirka dadka reer Somaliland.Sidaa darteed, muwaadin kasta oo si sharciga waafaqsan u cabbira fikirkiisa iyo aragtidiisa waa in la dhawraa xuquuqdiisa dastuuriga ah, islamarkaana aan loo adeegsan cabsi-gelin, hanjabaad, eedaymo, ka hor imanaya xuquuqda muwaadininta, ama tallaabooyin ka hor imanaya sharciga iyo dastuurka dalka.Ururku waxa uu xusuusinayaa dhammaan hay’adaha dawladda iyo masuuliyiinta qaranka in awoodda dawladnimo ay ku xaddidan tahay Dastuurka iyo shuruucda dalka, islamarkaana masuuliyadda ugu weyn ee ka saarani tahay ilaalinta xuquuqaha iyo xorriyadaha muwaadiniinta Jamhuuriyada Somaliland.

Ururka Qareenada Somaliland ee (SOLLA) waxa uu ugu baaqayaa:

Hay’adaha Fulinta, Hay’adaha Garsoorka, Hay’adaha amniga, iyo dhammaan masuuliyiinta Hay’adaha Qaranka inay si buuxda u ilaaliyaan mabaadi’da Dastuuriga ah, madax-bannaanida sharciga iyo xuquuqaha muwaadiniinta ee la xidhiidha xorriyadda hadalka iyo cabbirka fikirka.

Ururka Qareenada JSL ee (SOLLA) Wuxu uu sidoo kale adkaynayaa in khilaafaadka aragtiyeed iyo doodaha bulshada lagu xalliyo wada-hadal, dood cilmi iyo habab sharciga waafaqsan iyo qiyamka dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, lagana fogaado wax kasta oo dhaawici kara kalsoonida bulshada, sharciga iyo nidaamka garsoorka.

Ururka Qareenada Jamhuuriyadda Somaliland (SOLLA), isagoo ah hay’adda ugu sarreysa ee matasha mihnadda Qareennimada iyo ilaalinta sharciga dalka, waxa uu mar walba u taaganyahay ilaalinta Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, sarreynta sharciga, madax-bannaanida garsoorka, iyo difaaca xuquuqaha iyo xorriyadaha aasaasiga ah ee muwaadiniinta Jamhuuriyada Somaliland.

ALLAH MAHAD LEH

Xoghayaha Guud ee Ururka Qareenada J. Somaliland (SOLLA)

Garyaqaan Siciid Cabdillaahi Xuseen (Geeljire)

Upcoming events

Stay informed about forthcoming activities organized by the Somaliland Bar Association, including conferences, trainings, workshops, and professional networking events. These events are designed to support continuous legal education, promote professional excellence, and foster collaboration within the legal community.  Members are encouraged to regularly consult this page for updates and opportunities to engage in initiatives that advance the legal profession and the administration of justice in Somaliland

IBA 20026


our services

Need Legal Assistance?

Our experienced legal team is here to help you navigate complex legal matters with confidence. Whether you need advice, representation, or support, we offer personalized solutions tailored to your unique situation.

Empowering Legal Excellence

The Somaliland Lawyers Association (SOLLA) is dedicated to promoting justice, upholding the rule of law, and enhancing the professional development of legal practitioners in Somaliland. Through training, advocacy, and collaboration, SOLLA strives to empower lawyers to deliver exceptional legal services and contribute to the advancement of the legal system.

Join SOLLA today and be part of a community committed to legal excellence and integrity.

legal aid Services

Legal aid services provide essential support to individuals who cannot afford legal representation or access to the justice system. These services ensure that everyone, regardless of their financial situation, has the opportunity to receive legal advice, assistance, and representation in various matters such as family law, housing disputes, employment issues, and criminal defense. By offering free or low-cost legal help, legal aid organizations promote fairness and equality in the legal system, helping to protect the rights of vulnerable populations and ensuring that justice is accessible to all members of society.

updated News

💬
☎ Call 3113 💬 WhatsApp ⚖ Legal Aid
Scroll to Top