Qormooyin Taariikhda Doorashooyinka iyo Shuruucda Doorashooyinka Somaliland.

Garyaqaan Muuse Yuusuf Maxamed.

Member of the Somaliland Lawyers Association SOLLA.Hargeisa

Dad badan ayaa taariikhda ka bilaaba 1991 kii ama 1993 taas oo aniga aan ila sax ahayn maadaama Dalkan iyo dadkani lahaayeen taariikh ka qoto Dheer inta muuqata oo si uun loo xabaalay, ama looga tagay mid wacan iyo mid xunba,Inaga mawduuceenu maaha taas ee waa taariikh sharci oo guud mar ah, lana xidhiidha nidaamkii doorasho ee u gaarka ah Jamhuuriyadda SomalilandDalka Somaliland waxa uu lahaa xeerar uu gaar ahaan oo maxmiyaddii Ingiriisku sameeyay kuwaas oo lagu soo doortay golihii wakiilada ee ugu horreeyay ee Somaliland yeelato February 1960 kii golihii ka horeeyay kaas oo isugu jiray Somalilanders iyo xubno Ingiriis ahaa iyo xubnihii golayaasha deegaanada Somaliland Xeerarka waxaa ka mid ahaa “The Local Government Councils Ordinance, 1953 (Ordinance No. 1 of 1953)’ (Burao Local Government Council Warrant), kaas oo la soo saaray sanadkii 1957, waa xeer-nidaamiye lagu dabaqayay Xeerkii Golayaasha Deegaanka ee 1953, Iyo somaliland legislative council elections ordinary law No.8 and 9 1958/1959, iyo Burao Council: General Notice No. 68/1957.Waxa ugu horeeyay dalka jamhuuriyada Somaliland dastuur uu gaar u yeesho “Markii xornimada la qaatay 26-kii Juun 1960, waxaa dhaqan-galay Dastuurkii u horreeyay ee Dawladda madax-bannaan ee Somaliland. Dastuurkaas oo ku lifaaqnaa Xeerka Golaha ee Ingiriiska iyo Somaliland ee 1960 (S.I 1060 ee 23-kii Juun 1960). Dastuurkan oo ka koobnaa 53 qodob iyo lifaaq, wuxuu muhiim u yahay inuu astaan u yahay maqaamka gaarka ah ee sharciyeed ee ay Somaliland u lahayd dawlad madax-bannaan oo madax-bannaanideeda u dhammaystiran tahay, inkasta oo ay ahayd muddo kooban.”Halkaas ayaan kaga hadhaa taariikhdii murugada badnayd ee dalka iyo dadka somaliland ku jireen 1960 ilaa January 1991. Kadib markii aynu lunay 1 July 1960 kii.Maxaa xigay Aan ku socono.Dalka Somaliland markii uu qaatay go’aankii qaran 1991 ee ee Dib uma soo noqoshadii gobonimada Waxa si ku meel gaadh ah loogags sii dhaqmaayay xeerarkii dawladihii hore ee aan ka hor imanayn shareecada Islaamka iyo go’aanka qaranka Somaliland iyo intii kolba laga guuraayay mid Hadaba aynu u baydhno mawduuceena inta aynaan sii durkinee, sanadkii 1993 waxaa magaalada Boorame ee gobolka Awdal isugu tagay wax garadka Somaliland waxaana lagu qabtay shirweynihii labaad ee beelaha Somaliland kaas oo socday 24kii Jeniwary ilaa 25kii May 1993.Shirkaas waxa lagu Sameeyay laguna Ansixiyay Dastuurkii koobaad ee ay yeelato Somaliland intii ay madax banaanideeda lasoo noqotay.Waxaana loo bixiyay “Axdi qarameed”Qaranka somaliland axdi qarameed kaasi waxa uu dhigay in uu yahay laba sano oo ku meel gaadh ah wuxuu ka koobnaa 31 qodob.Qodobkiisa 5aad waxa lagu sheegay in muddo laba sano ah lahu sameeyo dastuur dhameystiran oo loo sameeyo afti qaran,Halka uu Qodobkiisa 18aad faqradihiisa 3aad xarafka (j) isna lagu sheegay in la sameeyo tirakoob guud.axdi qarameedkii la qaatay waxa ku jirayLaba qodob oo mawduuceena khuseeya kuwaas oo kala ah1. in la sameeyo Dastuur rasmiya iyo 2. In la sameeeyo tirakoob qaran Qodobka hore Inkasta oo uu dib u dhacay dhawr jeer hadan waa waxaa lagu guuleystay 31 may 2001, Markii la sameeyay dastuurka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Lakiin qodobka danbe wali ma hirgalin, oo wali lama samayn Tirakoob guud.Hindisihii Samaynta dastuurka Jamhuuriyadda iyadoo la fulinayoQodobbada 5aad iyo 31aad ee axdi qarameedkii lagu ansixiyay shirweynihii labaad ee beelaha Somaliland ee Boorame 1993.Golaha Wakiillada Somaliland iyagoo raacaya qodobka 5aad ee axdi qarameedkii dalka waxay badhtamihi sanadkii 1994 kii ay uu saareen guddi ka kooban 10 Xildhibaan, waxa iyaguna kusoo biiray guddi kale oo ka koobnaa 25 xubnood oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada, oo la talin iyo caawin siinayay xubnaha Golaha wakiilada ee hawshaas hayay. Isna Madaxweyne Cigaal ayaa soo magacaabay Sharciyaqaan uu dhashay dalka Suudaan, kaas oo shaqadiisu ahayd in uu ka caawiyo samaynta dastuurkaLabadii Sanno ee Axdi qarameedku u qabtay samayntii dastuurka waxay ku ekeyd 25/04/1995, Maadaama hawshii Dastuurku aanay dhameyn waxay Baarlamaanku muddo kordhin 18 Bilood ah u sameeyeen samayta dastuurka. Hasayeeshee waxa la keenay shirweynihii saddexaad ee beelaha Somaliland ee ka qabsoomay magaalada Hargeysa intii u dhaxaysay 16 Octobar 1996 ilaa 23 February 1997. laba nuqul oo midi yahay kii ay soo diyaariyeen gudidi golaha wakiiladu uu saareen Dastuurka Iyo mid ka yara duwan oo soodaanigi ka soo sameeyay wax ka bedelka iyo kaabista uu ku sameeyay nuqulka Gudida Dastuurka,Kadib Shirgudoonkii Shirweynaha ayaa 26-kii November 1996, u saaray guddi ka kooban 15 xubnood in ay labada nuqul inay kala shaandheeyaan labada nuqul, kana soo diyaariyaan hal nuqul oo rasmi ah,Gudidaasi waxay shirkii keeneen Hal Nuqul oo Dastuur ah kana kooban 156 qodob. Shirweynihii waxaa uu Ansixiyay 16-kii February 1997 in muddo saddex sannadood oo ku meel gaadh ah lagu dhaqmo Dastuurkaas.kadib Shirweynihii saddexaad ee beelaha Somaliland labada gole Baarlamaan ee wakiilada iyo guurtidu guddi ka kooban 24 xubnood oo 11 guurtida ah iyo 13 wakiilada ah u saareen Dib u diyaarinta dastuurka waxaanay badhtamihii sanadkii 1999 mar soo saareen Dastuur ka kooban 99 qodob, hasayeeshee lama qaybin oo markii la arkay ayay dadbani ka muujiyeen saliid kadibna waxa lagu sameeyay wax ka bedel iyo kaabis. 16-kii February 2000 ayay mudadii ku meel gaadhka ahayd ee Dastuurku ku dhamaatay.Ķadib labada gole baarlamaan ayaa u sameeyay muddo kordhin hal 1 sano ah, iyadoo mar kalena loo sameeyay muddo kordhin dastuurka, ilaa loo qaadayay aftidii.Ugu dambeyntii bishi March waxa labada gole Baarlamaan soo gaadhay Dastuur ka kooban 130 qodob. 30kii April 2000 laba gole baarlamaan ayaa fadhi wada jir ah ku ansixiyay Cod aqlabiyad ah nuqulkii dastuurka.07 May 2000 Shir-guddoonaddii labada gole Baarlamaan ayaa madaxweynihii wakhtigaas ee somaliland u gudbiyey 5 nuqul oo ah Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland ee labada gole ansixiyay oo ay ku saxeexan yihiin Shir-guddoonadda labada gole.Si waafaqsan Dastuurka labada gole Baarlamaan soo ansixiyay Qodobkiisa 125 waxa golaha xukuumaddu u gudbiyey golayaasha baarlamaanka Xeerkii Aftida Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland “Xeer LR.16/2000”. Kaas oo Dhaqan galay 12 November 2000, Madaxweyne Cigaal ayaa magacaabay gudida Aftida Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, si waafaqsan xeer LR.16/2000, Qodobkiisa 11aad.Kadib dhawr jeer oo muddo kordhin loo sameeyay hirgalinta aftida dastuurkaWaxaa la daabacay 12000 nuqul oo dastuurka ah, Waxaa la sameeyay wacyi-gelin loo mariyay Dadweynaha Saxaafadda sida Radio Hargeysa, wargeysyada Jamhuuriya, iyo maandeeq, labada Television ee SLNTV iyo SLSC, Boodhadh iyo warqado lagu dhajiyay goobaha dadweynuhu ku kulmaan, Ugu danbeyn waxaa la geeyay agabka codeynta 600 oo goobood guud ahaan dalka Somaliland .31 May 2001 Ayaa Dalka Somaliland looga dareeray Cod bixinta Aftida Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,Waxa Natiijada kumeel gaadh ka ahayd Guddidii Aftida Dastuurku Shaacisay 13 june 2001 Maxkamadda sare Ayaa Go’aan Maxkamaddeed ku meel marisay Natiijadii Rasmiga ahayd ee Codbixinta Aftida Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Shaacisay 14 June 2001 Madaxweyne Maxamed Haji Ibrahim Egal Ayaa Saxeexay Kuna Faafiyay Wareegto Madaxweyne oo lahayd tixraac REF: JSL/M/DEC/222-0129/72001 Dhaqan Galka Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.Intii u dhaxaysay Ansixinta labada gole iyo Aftida Dastuurka.Waxaa la sameeyay xeerka nidaamka ururada siyaasadda iyo ansixinta xisbiyada no.14 waxa la sameeeyay oo uu dhaqan galay iyadoo aan afti loo qaadin Dastuurka, sidoo kale isla xeerkaas ayaa isna lagu sii dhaqmay iyadoo la magacaabay Guddida diwaan-gelinta ururada siyaasadda iyo ansixinta xisbiyada qaranka. Xeerka waxa wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyay Tiraba sadex jeer, Xeerka ku xigay ee nidaamka doorashooyinka khuseeya waxa uu noqday xeerka doorashooyinka madaxtooyada iyo golayaasha deegaanka xr lr 20/2001Xeerkaas waxa wax kabadal iyo kaabis lagu sameeeyay tiraba 5 jeerWaxaa isna xeerkii aaddexaad ee nidaamka dimuqraadiyada inags anfaca ee la sameeeyo noqday Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada xeer lr 2/20/2005,.Xeerkan waxaa wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyay 1 mar kaliya, Xeerkii afraad ee dhanka doorashooyinka inaga anfacay ee la sameeyay waxa uu noqday Xeerka Diwaan-gelinta Codbixiyayaasha Xeer lr 37/2007Hadaba markii la soo gaadhay sanadkii 2019 waxa bilaabmay fikrada ah in la isku uruuriyo oo mid kaliya laga dhigo xeerarka doorashooyinka marka laga reebo xeer no14.Sanadkii 2020 ayaa la soo saaray xeerarkii doorashooyinka oo la isugu geeyay hal buug kaas oo loo bixiyay “Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diwaan-gelinta Codbixiyayaasha lr 91/ 2020″Xeerkaas waxa wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeeyay mar kaliya kaas oo qaatay wakhti badan keenayna khilaaf badan Ugu danbayn waxa Xeerkani waxa uu golayaasha baarlamaanka iyo fulinta ku dhax wareegayay 2022 ilaa 2024 oo uu dhaqan galayWaxaynu Halkan ku wadaagi doonaa Qormooyin Taariikhda Doorashooyinka iyo Shuruucda Doorashooyinka Somaliland.Intani waa hordhac kooban

Garyaqaan Muuse Yuusuf Maxamed.

Member of the Somaliland Lawyers Association SOLLA.

Hargeisa

1 thought on “Qormooyin Taariikhda Doorashooyinka iyo Shuruucda Doorashooyinka Somaliland.”

  1. Garyaqaan Muuse Yuusuf

    CHAPTER VIII: OFFENCES

    Article 43: Offences

    Any person who commits acts that may affect the smooth conduct of referendum activities and the acceptance of referendum results, such as:

    1. Obstructing the holding of the referendum;

    2. Any acts that undermine the right to vote;

    3. Illegal entry into a polling station or referendum office;

    4. Fraud, deception, or fraudulent alteration of referendum records;

    5. Illegal voting;

    6. Offences committed by members of polling station committees and referendum offices;

    7. Obstruction of the smooth conduct of the referendum;

    8. Refusal to serve as a member of polling station committees or referendum offices;

    9. Shall be offences punishable by appropriate penalties.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

💬
☎ Call 3113 💬 WhatsApp ⚖ Legal Aid
Scroll to Top