Xafladda Daah-furka Maalinta Qareennada Somaliland , Halku-dheggeeduna yahay “Caddaalad aan Xuduud lahayn”

Ururka Qareennada Somaliland (SOLLA) ayaa maanta si rasmi ah u daah-furey munaasabadda Maalinta Qareennada Somaliland, taas oo halku-dheggeeduna sannadkan yahay:“Caddaalad Xuduudaha aan xuduud lahayn” (Justice Beyond Borders), Munaasabaddan oo ka qabsoontay Aar-cafe hotel, Hargeisa ayaa waxaa ka soo qayb-galay hogaanka iyo maamulka Ururka Qareennada Somaliland, qareenno, masuuliyiin ka socda dawlada aqoonyahanno, ururrada bulshada rayidka ah iyo daneeyayaasha kale ee ka shaqeeya horumarinta caddaaladda iyo sharciga.

Ujeeddada munaasabadda oo ah daah-furka maalinta Qareennada Somaliland si la xoojiyo doorka qareennadu ku leeyihiin ilaalinta sarreynta sharciga, difaaca xuquuqda aadanaha iyo horumarinta helitaanka caddaalad loo siman yahay. Munaasabadda daah-furka Waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin iyo marti sharaf kala duwan oo ay ka mid ahaayeen:

Prof. Maxamuud Xuseen Faarax• Xubno kamida aasaasayaashii ururka Qareennada

Xubno kamida hogaanka Ururka Qareenad JSL

Madaxa xafiiska xidhiidhka caalamiga ah ee Ururka Qareennada Somaliland

Xafiiska Xeer-ilaalinta qaranka Somaliland

Guddoomiyaha Ururka Qareennada Somaliland (SOLLA) Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA),

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda Somaliland

Guddoomiye Ku-xigeenka komissionka Maamul Wanaagga Somaliland.

Masuuliyiinta ka soo qayb-galay Munaasabadda oo hadallo muhiim ah ka jeediyey waxaa ugu horeyn halkaasi ka hadlay Prof. Maxamuud Xuseen Faarax, oo ka hadlay muhiimadda ay leedahay xirfadda qareennimada, madaxbannaanida garsoorka iyo doorka qareennadu ku leeyihiin ilaalinta caddaaladda iyo dimuqraadiyadda. Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA), oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda iskaashiga ka dhexeeya warbaahinta iyo hay’adaha caddaaladda si loo kobciyo isla-xisaabtanka, hufnaanta iyo wacyigelinta bulshada. Masuuliyiintii hadallada ka jeediyey munaasabadda ayaa iftiimiyey kaalinta muhiimka ah ee Ururka Qareennada Somaliland ku leeyahay horumarinta xirfadda qareennimada, bixinta adeegyada kaalmo sharci, kor u qaadidda aqoonta sharciga iyo taageeridda dib-u-habaynta nidaamka caddaaladda ee dalka. Garyaqaan Cabdiraxmaan Cali oo kamida xubnaha ururka Qareennada isagoo ka hadlay ahmiyadda ay leedahay maalintan iyo sooyaalkii taariikheed ee dhismaha ururka Qareennadu soo maray. Garyaqaan fardouse Mohamuud Cali oo kamida xubnaha hogaanka Ururka Qareennada Somaliland oo ka hadashay ahmiyadda ay maalinta u leedahay dhamaan Qareennada Somaliland isla-markaan waxay soo jeedisay in maalinta danbe lagu soo bandhigo dhacdooyinka cadaaladeed ee ka dhaca dalka.

Ku-xigeenka xeer Ilaaliyaha guud Garyaqaan Cali Oday, Garyaqaan wuxuu xusay ahmiyadda ay leeyihiin Garyaqaannadu cadaalada, ilaalinta xuquuqda bulshada iyo in ay muhiim tahay soo saarida qoraalka wacyigelinta sharci ee bulshada. Agaasimaha xidhiidhka caalamiga ah ee Ururka Qareennada Somaliland ee SOLLA Garyaqaan Jamaal wuxuu tilmaamay muhiimadda ay leedahay maalintan Qareennada Somaliland isagoo uga mahad naqay Guddoomiyaha iyo hoggaanka ururkaba astaynta maalinta Qareennada ee 31 May,

Guddoomiyaha ururka Qareennada JSL Garyaqaan Xasan Cali Xasan ayaa daah-furey aasaasidda maalinta Qareennada Somaliland ujeedad iyo muhiimadda ay leedahay iyo sobabta looga dhigay in ay noqoto bishan May isagoo xusey in ay bishan tahay Bishii lagu dhawaaqey dib-ula-soo noqoshadee xornimadii Jamhuuriyadda Somaliland iyo sidoo kale 31 May in tahay maalintii la ansixiyey dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland sobabahasi darteed in maanta oo taariikhdu tahay 31 May ay noqoto maalinta Qareennada Somaliland.

Intaas kadibna waxaa lagu soo dhaweeyey si uu kalmada Furitaanka daah-furey maalinta Qareennada Somaliland uga yidhaahdo munaasibadda Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Cabdirisaaq Cabdi, agaasimuhu wuxuu xusey in uu ku faraxsan yahay ka soo qayb-galka munaasabadda Maalinta Qareennada Somaliland ee uu soo qaban-qaabiyeen Ururka Qareennada Somaliland ee SOLLA, Agaasimuhu wuxuu intaa ku daray in ay go’an tahay xoojinta wada-shaqaynta ka dhaxaysa guud ahaan bahda caddaaladda iyo garsoorka gaar ahaan in ay diyaar u yihiin wada-shaqaynta ururka Qareennada Somaliland iyo Wasaaradda. Intaas kadib Agaasimaha Guud wuxuu si rasmi ahu furey daah-furey munaasabadda Maalinta Qareennada Somaliland gaba-gabadiin waxaa lagu soo dhaweeyey Guddoomiye ku xigeenka komishanka maamul Wanaaga Qaranka Somaliland isagoo Guddoomiyaha xusay ahmiyadda ay leedahay daah-furey maalinta Qareennada Somaliland sidoo kale wuxuu intaas ku daray ilaalinta xirfadda qareennimada u leedahay qaranka iyo wada-shaqaynta bahda caddaaladda iyo bahda garsoorka. Ugu danbayna Ka qaybgalayaashu waxay xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta wada-shaqaynta ka dhexaysa hay’adaha garsoorka, qareennada, hay’adaha dawladda iyo bulshada rayidka ah si loo helo nidaam caddaaladeed oo loo wada siman yahay, hufan, isla markaana daboolaya baahiyaha bulshada. Munaasabadda ayaa ku soo dhammaatay baaq lagu adkaynayo midnimada bahda qareennada iyo sii wadista dadaallada lagu horumarinayo caddaaladda, sarreynta sharciga iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, iyadoo la fulinayo himilooyinka ku suntan halku-dhegga sannadkan ee “Caddaalad Xuduudaha lahayn.”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

💬
☎ Call 3113 💬 WhatsApp ⚖ Legal Aid
Scroll to Top