
Ururka Qareennada Somaliland Ee (SOLLA) ayaa Maalintii labaad ee tababarka lagu horu-marinayo adeegyada kaalmada sharciga oo ka socday Hotel EMPIRIAL Hargeysa si rasmiya u gabagabeeyay maanta.
Tabarkaas oo diiradda lagu saarayay horumarinta xirfadaha qareennada, kaaliyeyaasha sharciga iyo dhiirrigeliyeyaasha caddaaladda si loo xoojiyo adeegyada Legal Aid-ka ee bulshada loo fidiyo.Tababarka oo ay wado Ururka Qareennada Somaliland (SOLLA) ayaa lagu falanqeeyey hababka casriga ah ee adeegyada sharci loogu gaadhsiin karo dadka danyarta ah, iyadoo la adkaynayo wada shaqaynta hay’adaha caddaaladda iyo kor u qaadista aqoonta ka qaybgalayaasha.
Hadabd, waxaa maanta lagu oo gaba-gabeeyey kulankaasi Waxaana xidhitaanka kulankaasi ka qayb galay xubno hoggaanka ururka Qareenada Jamhuuriyadda Somaliland ka tirsan iyo prof. Siciid oo ahaa macalinkii bixinayey tababarka iyo xubno maamulka ururka Qareenada ee SOLLA kamid iyo xubnihii tababar qaadanayey.
Ugu danbeyntii waxaa soo xidhay kulankaasi garyaqaan Yuusuf libaan Cumar Isagoo marka hore u mahadceliyey, cid kasta oo ka soo qayb qaataday diyaarinta qorshaha tobabrkan sida hogaanka iyo maamulka ururka Qareennada JSL ee SOLLA, Hay’adaha UNDP iyo EU wuxuu kale oo u mahad naqay macalinkii tababarka bixinayey Wuxuu kale oo uu xusey ahmiyada uu lahaa tababarkan xubnaha qaatay iyo muhuumadda uu qaranka Somaliland u leeyahay. Iyo baahida loo qabo in tobabradda noocan ahi u leeyihiin xirfadlayaasha sharci iyo adeegayasha kaalimada sharci. Isagoo ku soo xidhay ahmiyadda fulinta waajibaadka dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland uu ay kamid tahay bixinta adeega kaalimada sharci ee la siinayo dadka aan awoodin in ay iska bixiyaan xushmadda qareenka


