munaasabadda daahfurka Xeerka Adeegga Kaalmo Sharci

Wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta magaalada Hargeysa ku qabatay munaasabadda daahfurka Xeerka Adeegga Kaalmo Sharci, xeer muhiim ah oo lagu xoojinayo helitaanka caddaalad loo siman yahay iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

Munaasabadda ayaa waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JSL, Mudane Yoonis Axmed Yoonis, isaga oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamuud Cabdirisaaq Cabdi. Wasiirku waxa uu tilmaamay in xeerkani yahay mid laf-dhabar u noqon doona horumarinta nidaamka caddaaladda dalka iyo ballaarinta adeegyada kaalmo sharci ee bulshada.

Madasha daahfurka waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Guddoomiye Ku-xigeenka Guddida Shuruucda ee Golaha Wakiillada, wakiillo ka socday hay’adda UNDP, saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Asluubta, xubno ka socday Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka, iyo bahda garsoorka oo ay ku jiraan qareenno iyo khubaro sharci.

Ururka Qareenada Somaliland (SOLLA) ayaa isaguna si rasmi ah uga qayb galay munaasabadda, waxaana ka socday laba xubnood oo muhiim ah. Garyaqaan Aamina Xasan oo ka tirsan Guddida Agaasinka (BoD) ee SOLLA ayaa madasha ka jeedisay hadal ay ku matalayso ururka, iyadoo xustay muhiimadda uu xeerkani u leeyahay horumarinta adeegyada kaalmo sharci iyo xaqiijinta caddaalad loo siman yahay. Sidoo kale, Madaxa Barnaamijyada ee Xafiiska SOLLA ayaa ka mid ahaa ka qaybgalayaasha, isaga oo door firfircoon ku lahaa arrimaha la xidhiidha hirgelinta iyo wacyigelinta xeerkan.

Waxaa sidoo kale munaasabadda ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, gaar ahaan Ururka Qareennada Haweenka Somaliland (SWLA), lataliyeyaal sharci, iyo masuuliyiin ka socday waaxyaha xuquuqul insaanka iyo horumarinta garsoorka.

Daahfurka xeerkan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu dhisayo nidaam caddaaladeed oo casri ah, daahfuran, isla markaana si siman ugu adeegaya bulshada. Waxa uu sidoo kale muujinayaa sida ay Wasaaradda Caddaaladdu uga go’an tahay xoojinta kalsoonida dadweynaha iyo hufnaanta hay’adaha garsoorka.

Gabagabadii, munaasabaddani waxay iftiimisay jihada cusub ee horumarineed ee caddaaladda dalka, taas oo ku dhisan iskaashi, wada-tashi iyo aragti fog, kuna wajahan dhismaha bulsho ku dhisan caddaalad, nabad iyo horumar waara.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

💬
☎ Call 3113 💬 WhatsApp ⚖ Legal Aid
Scroll to Top